Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Baydhabo ugu qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ka dib shir ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybta koonfur Galbeed, oo looga arinsaneyay Arrimaha amaanka degaannada koonfur Galbeed ,ayaa waxaa laga soo saarey Awaamir ku aadan Askarigii dil ama faldambiyeed geysta una hogaansami waayo Amarka Talihiisa , waxaa lala tiigsan doonaa Shaciga .
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay gaashaanle dhexe Aamiin Mad daruur iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa fariin udirey Ciidamada Qalabka sida .
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) Ciidamada qalabka sida farey in u hogaansamaan Sharciga iyo qaanuunka udegsan dalka kana fogaadaan Falalka gurcan .
Xili Magaalada Baydhabo dhawaan la fileyo in ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Taliyaha qeybta 60aad Ciidamada Xoogga uga digey in Siyaasada faraha la galaan.
Guud ahaan Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxana Awaamiir la siiyay Ciidamada qalabka sida iyadoo dhawaan Baydhabo ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.














