Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabd Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Magacaabay Guddiga Soo Xulista Barlamaanka Labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaa ay leeyihiin Guddoomiye,guddoomiye kuxigeen, Xogeyn iyo 8 Xubnood oo kamid ah guddiga soo xulaya Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.
Guddigaan ayaa waxaa ay ka Shaqeyn doonaan sidii ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ka koobnaan doona 95 Mudane.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim ayaa Warbaahinta u Akhriyey Xubnaha Guddiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.














