Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Mudug

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomalaiya gaar ahaan qeybta 21 aad èe Deegaanada Galmudug ayaa gaaray Deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug,halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay fariisin ka sameysteen deegaano ku yaalla Duleedka Deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug,waxaana soo dhaweeyey mas’uuliyiinta Maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Saraakiil Radio Baidoa la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedka Ciidanka Dowladda loo geeyey halkaasi ay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga fulinayo deegaannada Xeebta oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay soo dhaweeyeen Ciidamada,isla markaana ay la qaadan doonaan kulamo looga hadlayo wadashaqeynta Maamulka iyo Ciidamada ay wada yeelan doonaan.

Deegaano iyo degmooyin ka mid ah kuwa hoostaga Maamulka Galmudug waxaa gacanta ku haaya Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana Madaxweynaha Galmudug oo dhawaan la kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM uu sheegay in la bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.