Hay’adaha gargaarka ayaa bilaabay in ay yareeyaan ama gabi ahaanba joojiyaan adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka, biyaha iyo fayadhowrka, taas oo sida ay sheegeen halis ku ah nolosha malaayiin Soomaali ah.
Sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), Qorshaha Gurmadka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2025 ayaa hadda bartilmaameedsanaya kaliya 1.3 milyan oo qof, taasoo ka dhigan hoos u dhac dhan 72% marka loo eego tiradii hore ee ahayd 4.6 milyan oo qof.
OCHA waxay sheegtay in miisaaniyadda qorshaysan ee 2025 ay tahay $367 milyan, taasoo ay sheegtay inay hoos uga dhacday 74% codsigii hore ee ahaa $1.4 bilyan. Hoos u dhaca dhaqaalaha ayaa salka ku haya go’aammo ay qaateen dowladaha deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan Mareykanka, oo joojiyay qaar ka mid ah barnaamijyadii gargaarka dibadda, oo ay ku jirto caawinta USAID.
In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa inay la kulmaan xaalado bini’aadannimo oo sii xumaanaya sannadkan, iyadoo hay’adaha gargaarka ay ka digayaan in hoos u dhaca ku yimid adeegyada nafaqeynta iyo daryeelka caafimaadka hooyada uu si gaar ah khatar ugu yahay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya.
Hay’adda Save the Children oo kamid ah hay’adaha ku tiirsanaa taageerada Mareykanka ayaa horey u sheegtay in dhimista gargaarka ay saameysay in ka badan rubuc (27%) xarumaheeda caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya.














