Madaxweynaha koonfur galbeed c/casiis xassan maxamed laftagreen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiis laha ee golaha wasiirada dowlada goboleedka koonfur galbeed oo todobaadkiiba mar kulmaan ,
Todobaadkaan waxaa kulanka diirada lagu saarey Arimaha Amaanka , kohortaga cudurka corona virus oo wadamo badan ku dilaacey, iyo hambalyo loo direy gudiga soo xulista baarlamaanka labaad ee koonfur galbeed ,
Waziir kuxgeenka wazaarada Amniga gudaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa laga dhaqeystey xaaladaha Amaan ee kajira deegaanada koonfur galbeed waxa uuna sheegey in tododaabayadii lasoo dhaafey in gobolada koonfur galbeed wax dhibaaato ah aysan kadhicin marka laga reebo deegaanka goof gaduud buureey oo lagu diley gudoomyhii deegnaakaas xassan mayow isxaaq , isagoona sidookale sheegey in ciidamada qalabka sida iyo kuwa koonfur galbeed ay kawadaan howlo dib uxureyn ah gobolka shabeelaha hoose ,
Kulanka Golaha wasiirada ayaa sidookale looga hadlayey cudurka saf mareenka ah ee coronavirus oo caalamka oo dhan wal wal ku abuurey ,
Wasiirka wafaafinta dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Ugaas xassan cabdi maxemd ayaa shirka markii uusoo idlaadey lahadlay warbaahinta waxa uuna kawarbixiyey guud ahaan waxyaabihii la iskula so hadal qaadey kulanka ,














