DHGEEYSO,,Putland oo shaacisey in labo todabaad lahakiyey goobaha waxbarshada putland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland, shirka khamiislaha putland waxaa looga hadaly xaaladaha kajira deegaanada putland ,iyo cudurka crona virus, iyada oo shirka intiisa badan Maanta looga hadley Shirkii wadatashiga puntland ee dhawaan lagu qabtey Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland oo kulanka ka hadlay sheegay in weli uu ku taagan yahay Go’aankiisii uu ka sheegay Shirkii wadatashiga ahaa ee ahaa in uu shir u qabanayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada welina diyaar u yahay.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay in Shirka Golaha Wasiirada ee Maanta ay ku go’aamiyeen in isaga iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada inay aadaayaan Magaalada muqdisho & qaar kamid ah Caasimadaha Dowlad Goboleedyada si xal waara loogu heli lahaa khilaafka jira iyo geedi socodka dib u dhiska Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha PUtland ayaa shaaciyey in mudo labo todobaad ah lahakiyo goobaha waxbarshada deegaanada putland,sida iskuuulada ,jaamacadaha, iyo dugsiyada qur aanka lagu barto iyadoo la ilaalinaayo caafimaadka dadka reer putland,

Sidoo kale Waxa uu shacabka reer putland ugu baaqey inay yareeyaan isku imaatinyada goobaha bulshada ay ku kulanto ,isagoona hey adaha dowlada iyo hey,adaha kale farey inaysan qaban Karin siminaaro,shirar ku aadan labadan isbuuc,