Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal dhaxmarey Soomaalida & Canfarta

Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka City ee dowlad degaanka maleeshiyaad Xoolo dhaqato ah oo ka kala tirsan Soomaalida iyo Canfarta degta Itoobiya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Gaarka ah’ ee Degaanka Canfarta’ iyo Maleeshiyadkooda oo is kaashanaya ay weerar ku qaadeen Shacabka Soomaaliyed ee ku nool agagaarka Biyacadde oo u dhaw Magaalada Cadheyti, Tuulooyinka Shakle iyo birta dheer oo dhanka magaalada Candhuufa ah iyo tuulada Qalacle.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Dagaalka ilaa iyo hadda ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan dbinacyada dagaaladay ee Soomaalida iyo canfarta.

Ciidamada Canfarta’ ayaa waxaa la sheegay inay doonayaa inay gacanta ku dhigaan magaalada Cundhufo’ kadib markii ay horay u qabsadeen magaaloyinka’ Garbo-Ciise iyo Cadayti oo ay markii hore gacanta ku heyn jireen maleeshiyaad Soomaali ah.

Dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ah mid soo laab laabta, waxaana Maamulka dowlad degaanka ay sheegeen inay Ciidamo difaaca u diri doonaan Soomaalida, iyaga oo degaannadooda ku sugan lagu soo duulay.