Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Aljeers, caasimadda dalka Aljeeriya.
Munaasabadda furitaanka oo ahayd mid kooban ayaa ka dhacday dhismaha cusub ee safaaradda, waxaana ka soo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ahna u qaabilsanaha Arrimaha Afrika, Marwo Salma Bakhta Mansouri, iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta caalamiga ah. Waxaa sidoo kale goobta joogay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego”, oo hormuud ka ahaa qaban-qaabada munaasabadda.
Furitaanka safaaradda cusub ayaa qeyb ka ah socdaalka rasmiga ah ee Wasiir Cabdisalaam uu ku joogo dalka Aljeeriya intuu socdo 9–11 Agoosto 2025. Talaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyadoo labada dowladood ay doonayaan inay ballaariyaan iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka, iyo arrimaha amniga.
Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku dadaalaysay dib u soo celinta iyo furitaanka safaaradaha ay ku leedahay caalamka, si kor loogu qaado matalaaddeeda diblomaasiyadeed iyo ilaalinta danaha muwaadiniinteeda dibadda. Safaaradda cusub ee Aljeers ayaa lagu wadaa inay noqoto xarun muhiim u ah isku xirka labada dal iyo fududeynta adeegyada diblomaasiyadeed ee bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Aljeeriya iyo dalalka deriska la ah.














