Dhismaha cusub ee Xamar Weyne Mall oo xariga laga jaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Xarigga ka jaray dhismaha Xamarweyne Mall oo ah suuq casri oo laga hirgeliyay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Suuqaan Casriga ah uu qeyb ka qaadan doonno horumarka ganacsiga ee ka jira Magaalada Muqdisho, asigoona ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka ay ka qaadanayaa maalgelinta dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in suuqaan uu wax badan kusoo kordhinaayo bilicda iyo horumarka Magaalada Muqdisho, waxaana munaasabada goobjoog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Guddomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Marti sharaf kale.

Dhismaha Suuqan ayaa laga hirgeliyey qeyb ka mid ah barxadi Yaasiin ee dhinaca ku heysa kawaanka hilibka Xamar weyne, Ex Suuqii hore dabablaha, iyadoo dhismahan uu yimid ka dib markii ay dhowr sano ka hor gubteen ganacsiyo ay halkaas ka sameysteen dad shacab ah.

Inkastoo dhismaha Suuqan si qurux badan loo dhisay hadana waxaa uu meesha ka saaray qeyb ka mid ah Dhulkii weynaa ee barxada Yaasiin oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee degmada Xamar weyne.