Shirarkii siyaasadeed ee maalmahan ka socday magaalada Laascaanood ayaa maanta ku dhammaaday is-afgarad ballaaran, iyadoo la gaaray heshiis ku saabsan dhismaha maamul cusub oo mideynaya beelaha wada dega gobollada Khaatumo iyo Maakhir. Tani waxay noqonaysaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasilloonida, wadajirka iyo horumarinta siyaasadda deegaanka.
Maamulka cusub ayaa lagu saleeyay qaab deegaan iyo degmooyin, waxaana lagu soo daray magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka, kuwaas oo kala ah: Ceerigaabo, Laascaanood, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Xuddun, Taleex iyo Buuhoodle. Qaab-dhismeedkan ayaa lagu tilmaamay mid ka tarjumaya baahida loo qabo isku-dubarid siyaasadeed iyo mid maamul oo u qalanta deegaankaas ballaaran.
Ergooyinka loo xilsaaray dhismaha maamulka cusub ayaa tiradoodu gaareysa 311 xubnood, kuwaas oo beelaha deegaanka loogu qaybiyay si loo hubiyo matalaad cadaalad ku dhisan. Qaybinta ergooyinka ayaa u dhacday sidan:
- Dhulbahante – 138 ergo
- Mohamud Harti – 135 ergo
- Fiqi Shini – 19 ergo
- Suwaqroon – 4 ergo
- Ahmed Harti – 2 ergo
- Kaskiqabe – 2 ergo
- Dir – 1 ergo
- Madhibaan – 2 ergo
- Geri – 3 ergo
- Ugaaslabe – 4 ergo
Is-afgaradkan waxaa loo arkaa mid dhabbaha u xaaraya abuuritaanka maamul rasmi ah oo ka shaqeeya nabadgelyo, horumar iyo isku xirnaan siyaasadeed, iyadoo lagu salaynayo wada-tashi ballaaran oo ka dhex dhaca bulshada deegaanka.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Guddiga Farsamada ee dhismaha maamulka cusub, iyo sidoo kale in la dhiso Baarlamaanka Maamulka, taas oo si rasmi ah u bilaabi doonta wejiga xiga ee maamulka. Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay guul diblomaasiyadeed oo ka turjumaysa rabitaanka bulshada deegaanka ee ku aaddan wadajir, dowladnimo iyo horumar waara.














