Dhismaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Islaamka oo Xariga laga jarey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashiga iyo in loo kaco horumarinta dhismeyaasha xarumaha Dowladda, si kor loogu qaado awoodda Hay’adaha ee bixinta adeegyada muhiimka u ah bulshada .

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dhiirageliyey sidii ay Wasaaraddu u dhaqangalisay ballamihii hore loola galay ee ku aaddan sare u qaadista tayada adeegga loo hayo Xujeyda Soomaaliyeed isla markaana in laga shaqeeyo in la khafiifiyo culeyska dhaqaale ee adeeg ahaan laga qaadi jirey muwaadiniinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa farriin digniin ah u diray Al-shabaab, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la dagaallanka fikirka argagixisanimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu danbayn kormeeray qaybo ka mid ah dhismaha cusub ee Wasaaradda, isagoo u mahad celiyay hawlwadeennada kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta dhismahan cusub.