Dhismo cusub oo lagu soo kordhinaayo isbitaalka gobolka Baay oo maanta la dhagax dhigey.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay ballaarinta dhismaha Isbitaalka Gobolka Baay. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xarigga ka jaray qaybo cusub oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay isbitaalka, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda dhexe ee ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Munaasabaddan dhagax dhigga iyo xarig-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Saciid Cali, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka, Dr. Guuleed Cabdijaliil. Mas’uuliyiintan ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda weyn ee mashaariicdan ay u leeyihiin horumarinta adeegyada caafimaadka ee heer gobol iyo heer qaranba, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in adeegyada caafimaad la gaarsiiyo shacabka meel walba oo ay joogaan.

Ballaarinta cusub ee Isbitaalka Baay waxay diiradda saaraysaa sare u qaadidda tayada iyo ballaarinta adeegyada caafimaad ee la heli karo. Qaybaha cusub ee la dhisay waxaa ka mid ah xarun gargaar degdeg ah oo si gaar ah loogu talagalay xaaladaha culus, qol qalliinka casri ah, shaybaar waafaqsan heerarka caalamiga ah, iyo farmashiye si buuxda u shaqeynaya oo bixiya adeegyo dawo-bixineed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray qaybo dhismeed iyo qalab caafimaad oo horay loo dhammeystiray, kuwaas oo qayb ka ah mashruuca Somalia Crisis Recovery Project (SCRP) ee uu maalgelinayo Bangiga Adduunka. Qaybahaan cusub waxaa ka mid ah dhismaha bangi dhiig oo gaar ah, dayactirka iyo casriyeynta shaybaarka iyo qaybta raajada, iyo qalab muhiim ah oo cusub sida warshad ogsajiin (PSA Oxygen Plant), matoor koronto oo awood leh, 260 haan ogsajiin ah, iyo agab kale oo lagu xoojinayo awoodda isbitaalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa mar kale adkaysay in ay sii wadi doonto dadaallada la xiriira dhismaha, dayactirka iyo qalabeynta xarumaha caafimaad ee dalka oo dhan. Waxa ay sidoo kale xustay muhiimadda weyn ee iskaashiga dhow ee kala dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo gaaro nidaam caafimaad oo adkeysi leh, caddaalad ah, loona heli karo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.