Waxaa dib u dhac uu ku yimid xilligii loo asteeyay inay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa , waxaana wali maamul goboleedyada ka socda doorashada xubnaha Aqalka Hoose.
Maanta oo taariiqdu ay ku beegan tahay 23-11-2016, oo ah Maalin Arbaco ah ayay aheyd maalinkii lagu balamay in ay dhacdo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Sida uu qorshuhu ahaa Guddiga Doorashada Dadbana ay shaaciyeen waxaan lagu waday in Maanta oo Arbaco ah ay ka dhaco doorashada Gudoonka Baarlamaanka halka 30-ka Bishaan la qabanaayo Doorashada Madaxweynaha.
Waxaa muuqata in markale uu dib u dhac uu ku yimid doorashada Madaxda dowladda Soomaaliya , maadaam aan wali la soo dhameystirin xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Aqalka Sare intaba.














