Dibad-baxyada Kenya oo kacsan iyo Soomaalida oo walaac ka muujisay amnigooda

Dalka Kenya ayaa maanta wajahaya xaalad siyaasadeed oo kacsan, iyadoo dad ka badan hal milyan oo muwaadiniin ah ay isu diyaariyeen dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo canshuuraha cusub ee ay dawladda waddankaasi damacsan tahay inay hirgeliso.

Dibad-baxyadaas oo si weyn looga dareemayo magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Kisumu iyo Eldoret, ayaa waxa hormuud u ah dhalinyarada ka tirsan dhaqdhaqaaqa Generation Z, kuwaas oo codkooda uga faa’iideysanaya dhanka baraha bulshada, kuna baaqaya kacdoon shacab.

Waxaa horey u dhacay dibad-baxyo la mid ah kuwa maanta lagu wado, kuwaasoo sababay rabshado khasaare geystay, oo ay ku jiraan dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyadeed. Arrintan ayaa keentay in dad badan oo ganacsato ah iyo muwaadiniin ajnabi ah, gaar ahaan Soomaalida, ay muujiyaan cabsi iyo walaac xooggan.

Soomaalida ku nool magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi amni, maadaama ay ajnabi yihiin oo laga yaabo in ay si gaar ah u saameeyaan rabshadaha iyo dhacdooyinka laga cabsi qabo. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xirteen goobahooda ganacsi, halka kuwo kalena ay hoosta ka xirxirteen alaabtooda si aysan u saameyn rabshadaha suurtagalka ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in lagu wargeliyay inay ka fogaadaan meelaha ay ka dhacayaan mudaharaadyada, ayna xiriir dhow la yeeshaan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi haddii ay dareemaan khatar amni.

Dowladda Kenya, oo ka warqabta cabashada iyo walaaca shacabka, ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga. Ciidamada booliska ayaa si weyn loogu daadiyay waddooyinka waaweyn, iyadoo la xoojiyay amniga meelaha muhiimka ah sida xarumaha dowladda, suuqyada waaweyn iyo saldhigyada isgaarsiinta.

Dibad-baxyada maanta ka socda Kenya waxay noqon karaan kuwo go’aamiya jihada siyaasadeed ee dalkaas uu qaadayo, gaar ahaan marka la eego culeyska ay xambaarsan yihiin dhalinyarada Generation Z iyo dareenka xooggan ee shacabka.

Soomaalida ku nool Kenya ayaa ku rajo weyn in mudaharaadyadu ku dhammaadaan si nabdoon, iyadoo aan la beegsan dad aan wax shaqo ku lahayn xiisadaha siyaasadeed ee gudaha dalkaasi.