Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin culus oo ku saabsan khataraha ka imanaya kacsanaanta badda (Jiidmaal), xilli warar laga helay xeebaha muujinayaan in laba maalmood gudahood ay baddu liqday 9 qof dhalinyaro ah, halka 5 kamid ah meydkooda la helay, 4 kalena weli la raadinayo.
War-saxaafadeed rasmi ah oo Wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu xusay in xilligan uu yahay waqti aad u halis badan, iyadoo mowjadaha xooggan iyo xaaladaha cimilada ay sare u qaadayaan khatarta shilalka badda. “Waxaan si gaar ah u digeynaa dhammaan doomaha yaryar ee kalluumaysiga iyo howlaha kale ee badda ka socda inaysan gelin badweynta inta lagu jiro xilligan kacsanaanta,” ayaa lagu yiri warka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhalinyarada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xeebaha dalka, islamarkaana aysan ku dhaqaaqin dabaal ama damaashaad xeebeed muddada uu socdo xilligan khatarta ah. Wasaaradda waxay sheegtay in feejignaan dheeraad ah loo baahan yahay si looga hortago musiibooyinka naxdinta leh ee marar badan ka dhaca xeebaha Soomaaliya.
Digniintan ayaa timid xilli weli uu socdo gurmadka lagu baadigoobayo afarta qof ee maqan, kuwaas oo qeyb ka ahaa koox dhalinyaro ah oo damaashaad u tagtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Wasaaradda waxay ugu baaqday hay’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir, iyo bulshada deegaanka in ay la shaqeeyaan laamaha gurmadka si loo xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga iyo wacyigelinta badaha inta lagu jiro xilliga kacsanaanta.














