Diiwaan gelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo ka bilaabaneysa Baydhabo

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka bilaabato diiwangelinta musharixiinta u tartamaya Xildhibaannada Aqalka Sare qeybta ka imaaneysa degaannada Koonfur Galbeed.

Shalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu Guddiga doorashooyinka uu u gudbiyay liiska 10 Xubnood oo kamid ah Musharixiinta Aqalka sare, kuwaas oo Maanta diiwaangelin lagu bilaabayo.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in Maanta la diwaangelinayo Musharixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena ay bixinayaan lacagta diiwangelinta.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in kama dambeys Maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan oo taariikhdu ku beegan tahay 2/8/2021 ay Magaalada Baydhabo ka dhaceyso dooorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Xubnaha ku tartamaya aqalka Sare ee maanta la filayo in lagu diiwaangeliyo Magaalada Baydhabo kuna tartamaya 5 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

1: Aadan Cabdinasir Maxamed

Maxamed Xasan Aadan

2: Dr. Xuseern Maxamed Daahir

Xasan Maxamed Nuur

3: Zamzam Ibrahim Cali

Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim

4: Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey )

Nuur Baabul Cadow

5: Ayaan Aadan Cabdulaahi

Farxiyo Nuur Aadan

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo maamulada kale ee dalka aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara.