Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo degmo cusub laga bilaabey.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee dalka looga hirgelinayo doorashooyin qof iyo cod ah mustaqbalka dhow.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mas’uuliyiin ka socday dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, maamulka degmada Afgooye iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa si weyn diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka shacabku ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo sidii loo xaqiijin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dadka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeybgalaan.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka ayaa shacabka reer Afgooye ugu baaqay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan, ayna ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada, maadaama ay tahay xuquuq dastuuri ah oo shacabku leeyahay. Waxay sidoo kale sheegeen in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay tahay talaabo muhiim u ah dhismaha dowladnimo loo dhan yahay oo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ee goobta joogay ayaa dhankooda muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada Guddiga Doorashooyinka, iyagoo xusay in ka qeybgalka shacabka uu astaan u yahay horumar iyo xasillooni siyaasadeed oo gobolka iyo guud ahaan dalka ka hanaqaadeysa.

Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka bilowday Afgooye ayaa qeyb ka ah hirgelinta qorshaha guud ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo si tartiib ah loogu faafin doono deegaanada kale ee dalka, si loo hubiyo in dhammaan muwaadiniintu ay helaan fursad ay ku doortaan hogaankooda si xor iyo xalaal ah.