Dil ka dhacay Degmada Afgooya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Afgooye ee Sh/ Hoose.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay bartamaha magaaladaasi, iyadoona ay fuliyeen rag bistoolado watay oo goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afgooye ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceeyn, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka marxuumka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, waxaana ay shaacisay in xoogag ka tirsan kuwooda ay qeybaha sare ka toogteen askarigaasi.