Dil ka dhacay Degmada Baardheere

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan kooxo hubeysan oo saaka toogasho ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Hoose ee degmada Baardheere, kaas oo Canshuurta ka aruuriya Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee degmadaas.

Kooxaha oo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa dhowr xabadood waxaa ay ku dhufteen Ninkaas oo lagu Magacaabi jiray Haaruun Cabdullaahi Isaaq Mayow, iyaga oo sidoo kale dhaawacay qof kale.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysnaa ee dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, balse ay goobta tageen Ciidamo ka tirsan Booliska degmada, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka Askariga iyo qofka kale ee dhaawacay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska degmada Baardheere ay sameeyeen howlgal ay ku baadi hoobayeen dadkii ka dambeeyay dilla askariga ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee dowladda Hoose, balse aysan ku guuleysan inay qabtaan

Laamaha Amniga degmada Baardheere ee Gobolka Vedo ayaan weli ka hadlin dilka saaka ka dhacay degmadaas, waxaana degmada Baardheere ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka Gedo.