Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goordhaweyd wiil dhalinyaro ahaa ku toogtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamadda falkaan geystay ayaa ah kuwa ilaaladda ka haya dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, oo Dowladda Turky-ga ay dhiseyso.
Wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Catoosh Xaaji,waxayna Eheladiisa ay sheegeen in wiilkooda si bareer ah loo dilay.
Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay wiilkaan dhalinyaradda ahaa
alaah unaxriistee wiilka ladilay ayaa waxaa uu ahaa curiye ama alife waxaana uu ahaa mid xagaa iyo waxbarashada hami sare kuleh
waxaa goobta dilka wiilkan dhalinyerada ahaa loogu geeystey gaarey ehelada willka ayagoona halkaasi kasoo qaaday meydka
sidoo kale waxaa kamid ahaa dadka gaarey goobtu dilka kadhacay qaar kamid ah saaxiibadiis uu ifka kulahaa waxaana ay sheegeen in ay aad uga naxeen geerida saaxiibkooda
Arintaan ayaa imaanaysa xili dib loo bilaabay dhismaha wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo hakad la galiyay tan iyo bishii December 2019-kii.














