Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu falanqeynayay diyaar-garowga xuska 26-ka Juun, maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirro ka tirsan guddiga qabanqaabada, saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka, iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah. Waxaa lagu lafa-guray sidii xuska maalintaas muhiimka ah uu u noqon lahaa mid si nabad ah ku dhaca, si heer sare ah loo agaasimo, una muujinaya qiimaha iyo sharafta ay maalintaasi leedahay.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray adkeynta ammaanka, isuduwidda hawlaha farxadda iyo dabaaldegga, iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed si ay si masuuliyadi ku dheehan tahay uga qayb qaataan xuska. Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa carabka ku dhuftay in dhammaan hay’adaha dowladda federaalka ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin ka shaqeynta guusha munaasabadda, si ay maalintaasi uga dhex muuqato taariikhda dalka baal dahab ah.
26-ka Juun 1960 waa maalintii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyad ka heleen gumeystihii Ingiriiska, taasoo ka dhigtay maalintaas mid milgo gaar ah leh oo lagu xasuusto halgankii gobonimo-doonka iyo is-raacii muqaddaska ahaa ee horseeday dhismaha Dawladdii Soomaaliyeed ee midaysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku hawlan sidii sanadkan 2025 xuska 26-ka Juun uu uga dhici lahaa dalka iyo dibaddaba si la jaan qaada qiimaha taariikheed iyo halgankii naf-hurnimada lahaa ee shacabka Soomaaliyeed. Munaasabadda ayaa la filayaa in ay noqoto mid lagu muujiyo midnimo, waddaniyad iyo xusuus ku suntan damiirka Soomaaliyeed.














