Diyaarad ay leedahay Shirkada Ethopian Airline ayaa ku dhacday Garoonka Juba ee S/Sudan.

Diyaarad ay leedahay Shirkada Ethopian Airline ayaa ku dhacday Garoonka Juba ee S/Sudan.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Bombardier Dash-8 Q400 Tirsiga duulimaadkeedu ahaa ET357 ayaa ku dhacday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Juba ee dalka Suudanta Koonfureed.
Waxay ku sii jeeday Adds Ababa wararka ayaa shegay in wax khasaara uusan ka dhalan iyadoo rakaabka iyo shaqaalaha diyaarada si nabad galyaa looga soo saaray diyaarada.
Roobab Da’aya iyo dhabaha diyaaraha oo aad u qoyan ayaa loo sababaynayaa Shilkan.
Shirkada diyaaradaha ee Ethopian Airline ayaa wajahaysa dhiibaatooyin badan ilaa billowgii sanadka.