Diyaarad lagu Rasaaseeyey Degmada Qansaxdheere

Diyaarad Gargaar waday ayaa lagu rasaaseeyey Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Diyaaradan ayaa la sheegay in ay dib ugu laabatay Muqdisho oo markii hore ay ka soo duushay.

Khasaare nafeed lama soo sheegin, welina ma cada sababta iyo cida ka dambeysa.

Todobaadyo kahor ayey markii Degmada Bardaale lagu soo ridey Diyaarad siday Gargaar Caafimaad, taasi oo kasoo duushay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Diyaaradaasi hore ayaa waxaa baarista sababta ka dambeysey soo ridideeda sheegey in ay iska kaashanayaan Dowladaha kenya iyo soomaaliya iyo xubno oo ay kamid tahay Amismom iyo Ururo kale.