Diyaarad nooca Boeing 787-8 Dreamliner ah oo ay leedahay shirkadda Air India, laguna aqoonsanaa duulimaadka AI171, ayaa si lama filaan ah ugu dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaaladaasi.
Diyaaraddan, oo sidday in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii jeedday magaalada London, ayaa la tuhunsan yahay inay ku dul habsatay deegaan ay dad ku noolaayeen, taas oo sare u qaaday cabsida khasaaro nafeed oo ballaaran.
Wasiirka Duulista Hawada ee Hindiya, Kinjarapu Ram Mohan Naidu, ayaa xaqiijiyay in ay socdaan hawlaha gurmadka degdegga ah, isagoo sheegay in kooxaha badbaadinta iyo daminta dabka ay ku hawlan yihiin gaarsiinta caawinaad degdeg ah.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay shilka, hadana goobjoogayaal ayaa sheegay in uro madow iyo dab xoogan ay ka kacayeen goobta diyaaradda ku dhacday.
Rakaabkii la socday diyaaradda waxaa ka mid ahaa:
-
169 qof oo u dhashay Hindiya,
-
53 British,
-
1 qof oo Canadian ah,
-
7 qof oo u dhashay Portugal.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay socoto raadinta dadka laga yaabo inay ka badbaadeen shilka, waxaana dhacdadan loo arkaa mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee diyaaradaha noocan ah ee rakaabka qaada ku dhaca Hindiya sanadihii u dambeeyay.














