Soomaaliya oo tijaabisey diyaaradha dagaalka Atak oo ay gacanta u soo galey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday tijaabada diyaaradaha casriga ah ee nooca Atak, kuwaasoo dhawaan ay Dowladda Turkiga ku wareejisay Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, iyadoo qeyb ka ah heshiis iskaashi oo difaac ah oo labada dal dhex maray bishii Febraayo 2024.

Diyaaradaha ayaa si muuqata looga arkayay iyagoo dul heehaabaya Saldhigga Milatari ee Turkisom ee magaalada Muqdisho, halkaasoo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku tababarto, waxaana sidoo kale diyaaradaha lagu arkay furimaha hore ee dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo si toos ah u taageeraya ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ee halganka wada.

Turkiga ayaa bilaabay hirgelinta heshiiska difaac ee uu la saxiixday Soomaaliya, iyadoo qayb ka mid ah uu yahay dhismaha ciidan xooggan iyo bixinta tababarro casri ah. Tallaabadan ayaa sare u qaadaysa awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee dhanka duulista iyo dagaalka cirka.

Dhowr duuliye Soomaali ah ayaa tababar gaar ah oo la xiriira diyaaradaha dagaalka ee Atak kusoo dhameystay dalka Turkiga, kuwaasoo hadda si rasmi ah uga howlgala gudaha dalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa horey u ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada ah.

Taageeradan milatari ee cusub ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku diyaarinayso qabashada doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2026, kuwaasoo lagu billaabi doono doorashooyinka Golaha Deegaanka.