Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu beddelay hadal uu ka sheegay shir-madaxeedkii dalka Finland ee dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka laabtay hadalkii uu ka sheegay Finland ee ahaa in Ruushku uuna wax kaalin ah ku lahayn faragalinta doorashadii madaxtinimo ee Maraykanka.
Waxaa uu xusay in uu hadda qaatay macluumaadkii sirdoonka Maraykanka ee ku saabsanaa in Ruushku uu faraha la galay doorashadii Maraykanka ee 2016kii.
“Waxaan ogolaaday gunaanadkii ay bulshadeena sirdoonku ka gaartay in Ruushku uu faraha la galay doorashadii 2016kii” ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Hadalkiisan dambe ayaa yimid hal maalin ka dib markii iyada oo la wada arkayo uu oglaaday diidmadii Madaxweyne Vladimar Putin uu ka bixiyey faragalinta doorashada Maraykanka.
Madaxweyne Trump ayaa la kulmay dhaleecayn xoog badan oo kaga timid sharci-dejiyeyaasha labada xisbi, iyaga oo ku canaantay in uu Trump uu qaatay hadalka hogaamiye dal kale, isla markaana uu baal maray hay’adihiisii sirdoonka.
Sharci-dejiyeyaasha ayaa hadalkan Trump ku sheegay mid ceeb iyo sharaf dhac ku madaxweynenimada Maraykanka.














