Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho Shirweynaha Dalladda Waarbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, kaas oo muddo Saddex Cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.
Shirka Golaha Guud ee SOMA oo ay maanta xaadir ku ahaayeen Agaasimayaasha, & wakiilada Idaacadaha ka tirsan SOMA, ee ka kala socday Gobollada dalka ayaa waxaa lagu doortay hoggaanka Saddexda Sano ee soo socota ee Dalladda Warbaahinta Soomaaliyees ee SOMA, kuwaas oo ay ku tartameen Xubno kamid ah Dalladda.
Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa, iyada oo aysan cid la tartamin waxaa Maanta loo doortay Maxamed Cusmaan Makaraan oo sidoo kale ah Agaasimaha Warbaahinta Hiiraanweyn ee ka howlgasha Gobolka Hiiraan, waxaana uu bedelay Xoghayihii hore ee Ururka Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi.
Doorashada Guddoomiyaha oo sidoo kale dhacday ayaa waxaa ku tartamay Hilaal Sheekh Aweys, Sharmaake Suuleey, Maxamuud Cabdi Ibraahim & Axmed Caano Geel, waxaana Guddoomiyaha Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ku guuleystay Hilaal Sheekh Aweys oo ah Agaasimaha Radio Warsan ee Magaalada Baydhabo, kaas oo helay 17 Cod.
Xilka Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa u tartamay laba musharrax oo kala ah Axmed Cumar Saalixi, & Xasan Cabdiraxmaan, waxaana ku guuleystay xilka gudoomiye ku xigeenka Saddexda sano ee soo socota Axmed Cumar Saalixi.
Ugu dambeyn Xoghayihii hore ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi ayaa Xoghayaha Cusub ee SOMA Maxamed Cusmaan Makaraan waxaa uu ku wareejiyay xilka, isaga oo sheegay inay la Shaqeyn doonaan.















