Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Saddex kamid kuraasta Aqaka Sare oo ka harsan Sideeda kursi ee Aqalka Sare ku matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Goobta doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya iyo xubno la socda, iyada oo amniga Magaalada Baydhabo siwyen loo adkeeyay.
Ilaa lix Musharax ayaa Maanta ku tartami doona Saddexda Kursi ee doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Baydhabo, kuwaas oo marka hore khudbadahooda musharaxnimo jeedin doona, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2: Cali Sheekh Maxamuud Gacal
Cabdiqadir Cabdi Axmed
3: Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade).
Cabdullaahi Roobow Maxamed














