Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka socota doorashada lix kursi oo kamid ah 8 kursi oo Maamulka Galmudug uu ku leeyahay Aqalka Sare.
Ilaa 12 musharax ayaa ku tartami doona doorashada, kuwaas oo qaarkood horay uga mid ahaa Xildhibaannada Aqalka Sare halka qaarkood ay yihiin Wasiiro ka tirsan Galmudug.
Xildhibaannada Golaha Wakiilada Galmudug ayaa u codeyn doona Xildhibaannada Aqalka Sare, waxaana ay kala yihiin Magacyada mushatixiinta ku tartamaya Aqalka Sare, kuwaas oo hadda khudbad jeedin tooda ay socoto.
Cabdi Axmed Dhuxulow,
Nuur Xasan Guutaale
2 Yuusuf Gelle Ugaas
Daahir Faarax Filidow
3 Siciid Siyaad Shirwac
Maxamed Daahir Maxamed
4 Samsam Daahir Maxamuud
Farxiyo Maxamed Guure
5 Cabdixakim Macalin Axmed
Ismahaan Cabdi Xuseen
6 Duniyo Maxamed Call
Qadro Cabdullahi Isxaaq














