Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare oo ka bilaabatay Magaalada Garoowe

Magaalada garoowe waxaa ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya qeybta ka imaaneyso Puntland, waxaana la filayaa in 11 Xubnood lagu doorto magaalada Garoowe.

Golaha Wakiilada Puntland aya u codeeynaya musharixiinta, waxaana tartanka Aqalka sare isaga haray Afar musharax oo kamid ahaa kuwii uu soo gudbiyay Madaxweynaha Puntland, iyaga oo u tanaasulay musharixiintii la tartami laheyd.

Haatan waxaa Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe ka socota codeynta musharixiinta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in goordhow Magaalada garoowe lagu doorto Xildhibaankii ugu horeeyay ee Aqalka sare ku leedahay Puntland.

Kursiga Koowaad oo codeyntiisa ay socoto ayaa waxaa ku tartamaya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursiga ku fadhiyay iyo Maxamed Cusmaan Colaad.

Ammaanka magaalada garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxana hoolka doorashada ku sugan 6 xubnood oo ka socda Gudiga xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya.