Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheeegtay inay suurta gal tahay inay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ay u diraan dhinaca Gobolka Tigray ee Waqooyi Ethiopia si ey uga qeyb qaataan dagaalada halkaas ka socda.
Wasiirka Warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cali Badal Muxumed ayuu ku sheegay in Dowlad Deegaanka ay qeyb ka tahay Dowladda Federalka ee Ethiopia isla markaana ay taageero u fidinayaan dowladda dagaalka ay kula jirto Jabhadda TPL, laakiin wuxuu meesha ka saaray warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegay in Maamulka uu ciiddan diray.
Sidoo kale wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in degaanka Soomalida ay siwyen uga qeyb qadanayaan am amniga degaannada kale ee Itoobiya, isla markaana aysan ogolan doonin in amniga khalqal la geliyo.
Dowladda Itobiya ayaa waxaa ay dagaal kula jirta xoogaga TPLF oo ka dagaalama Gobolka Tigreega, waxaana haatan meelo kamid ah gobolka Tgigreega isku hor-fadhiya Ciidamada IFedraalka Itoobiya & xoogaga TPLF














