Dowlada Mareykanka oo ka hadashay sababta ay dib ugu billaabeen duqeymaha Soomaaliya

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin ayaa ka hadlay sababta Mareykanka uu dib ugu billaabay duqeymihii Soomaaliya ee lala beegsanayey kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horreysay Soomaaliya ka fuliyey toddobaadkii tegay kadib in ka badan lix bil oo aysan duqeymo ka gaysan dalka.

Xoghaye Austin ayaa u sheegay idaacadda VOA in sababta ay ay Maryakanka u qaadeen duqaymihii tododbaadkii hore lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyene weerarrada ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa uu ka caawiyaa la dagaalanka Al-Shabaab, iyada oo mararka qaar uu duqeymo dhinaca cirka ka fuliyo meelo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.