Wasiirka Warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa cambaareeyey Dilka galabta loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabellada hoose AUN weriyihii TV ga Universal uga soo waramayay gobolkaas Cabdiwali Online,
Wasiirka ayaa waxaa uu tacsi u diray qoyskii, Ehelkii iyo bahda Universal TV.
Wasiirka ayaa sheegey Dawladdu in ay ku dedaalayso sidii Dambiilayaasha Dilka u geystey Wariyaha sharciga loo horkeeni lahaa.















