Dowlada Oo Mar Kale War Kasoo Saartay Warbixintii Guddiga Xaqiiq Raadinta IGAD

Dowladda Soomaaliya ayaa baaq u dirtay urur Goboleedka IGAD, baaqaasi oo ku aaddan in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo horay loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaah dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Guddigu aysan ahayn kuwo dhex-dhexaad ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay ku tilmaamtay Guddiga Jabbuuti ee urur Goboleedka u xilsaartay xaqiiqo raadinta in uu yahay guddi la safan Kenya.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Guddiga intii ay ku guda jireen Howlahooda shaqo dhowr jeer lagu qaaday diyaaradaha Ciidanka Kenya, waxaana ay taas ku timaamtay Dowladda Soomaaliya mid galaan gal hoose uu u dhexeya guddiga iyo Kenya, waxaana sidoo kale ay ku eedeeysay Guddiga in dhowr jeer ay Kenya tageen oo waqti badan ay isaga daba-laabanayeen, halka Soomaaliyana ay yimaadeen waqti yar oo kooban.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya waxaa ay Kenya mar kale u jeedisay eedeyn ah in ay ku lug leedahay dagaalkii ka dhacay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana intaa ay ku dartay in Ciidankii dagaalka soo qaaday ay soo tababareen ciidanka KDF ee KenyaTaageero xooggan ay soo siiyeen.