Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka fuliyay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud howlgallo qorsheysan oo lagu guuleystay. Inta lagu guda jiray hawlgalladan ayaa la xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal sare oo hoggaaminayay falal amni darro, iyadoo sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal iyo saanado ciidan oo kooxdaasi adeegsanaysay.
Inkasta oo ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen howlgalladaasi, haddana Taliska NISA ma shaacin sawirrada iyo magacyada xubnaha Al-shabaab ee lagu dilay hawlgallada.
Mas’uuliyiinta NISA ayaa sheegay in ay sii kordhiyeen qorshayaasha iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku adkeeyay in dadaallada socda ay qeyb ka yihiin qorshaha ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada weli ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo mustaqbal ammaan ah oo dalka loo abuuro.














