Dowlada oo xaqiijisey in madax sare oo Al-shabaab ah la diley.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo goordhow warbaahinta qaranka la hadlay, ayaa faahfaahin ballaaran ka bixiyey hawlgallo isdaba-joog ah oo ay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ka fuliyeen gobollo kala duwan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta.

Wasiirka ayaa ugu horreyn xaqiijiyey in hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe lagu khaarijiyey horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar, kana dhex caan ahaa kooxda, looguna yeeri jiray (Eng Ismaaciil). Horjoogahan ayaa kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada, amniga gudaha iyo hawlgallada dibadda, waxaana la tilmaamay inuu ka mid ahaa maskaxdii ugu muhiimsaneyd ee falalka argagixisanimo ee dalka ka dhacay. Degmada Jilib, oo ah xarun weyn oo ay Khawaarijtu ku leeyihiin Jubada Dhexe, ayaa sidoo kale ah goob ay kooxdaasi ku tababarto una diyaargarowdo naftood-hallige yaasha, taasoo ka dhigaysa bartilmaameed istaraatiiji ah.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in Eng Ismaaciil la diyaarinayey inuu noqdo horjoogaha beddeli lahaa Axmed Diiriye, oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Khawaarijta, taas oo muujinaysa heerka sare ee uu ka joogay qaab-dhismeedka kooxda.

Waxaa sidoo kale la faahfaahiyey in horjoogahan uu door weyn ku lahaa qaraxyo iyo weerarro culus oo dalka ka dhacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: qaraxii Ceelgaabta ee lala beegsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, weerarkii Godka Jilacow, qaraxii ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad, qaraxii Zoobe ee sanadkii 2017, iyo weerarro kale oo ka dhacay Hargaha, Saamaha, iyo goobo kale oo badan, kuwaas oo ay ku naf waayeen kumannaan shacab ah oo waxba galabsan.

Horjoogaha labaad ee hawlgalladan lagu dilay ayaa lagu magacaabay Cabdikariim Maxamed Xirsi Qoorleex, kaas oo ka tirsanaa qaybta Khawaarijta u qaabilsaneyd hawlgallada dibadda, islamarkaana ka shaqeyn jiray fulinta weerarro argagixiso oo ka dhaca dalalka dariska ah. Wasiirku wuxuu sheegay in dilka horjoogayaashan uu sababay khal-khal iyo jahwareer baahsan oo ku yimid kooxda Khawaarijta, taas oo halis weyn gelisay jiritaankooda iyo isku-duubnidooda.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo door weyn ka qaadatay soo ururinta iyo bixinta xogta horseedday guusha hawlgalladan. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey Dowladda Mareykanka, oo kaalin muhiim ah ka qaadatay taageerada hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu xaqiijiyey in hawlgal xalay ka dhacay deegaanka Buulla-Fuleey ee gobolka Baay lagu dilay 20 horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta, isla markaana lagu burburiyey Idaacadda Andulus, oo kooxda Khawaarijta u adeegsan jirtay marin-habaabinta bulshada.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xaqiijiyey in shalay weerar ka dhacay deegaanka Wargaadhi lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo Khawaarij ah, halka 30 kalena lagu dhaawacay, taas oo keentay jab culus oo soo gaaray kooxda. Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay go’doomiyeen ilaa 500 xubnood oo Khawaarij ah oo ku sugan meel u dhow Jabad Gobaale (Godane), isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday inay is-dhiibaan, iyadoo carrabka ku adkeysay in haddii ay ka dhega adeygaan baaqaasi, lagu soo afjari doono maalmaha soo socda.