Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay in la soo afjaro jiritaanka kooxda Beesha Caalamka ee C6+, taasoo ku howlan arrimaha siyaasadda Soomaaliya tan iyo xilligii Kumeel-gaarka (KMG) ee kadib 2010.
Qoraalkaasi ayaa lagu caddeeyay in qaab-dhismeedka C6+ uu ahaa xal ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay duruufihii siyaasadeed ee dalka ka jiray xilligii ay hay’adaha dowladeed curdunka ahaayeen, madax-bannaaniduna ay ahayd mid kooban. Dowladda Federaalka waxay sheegtay in xaaladahaas maanta ay meesha ka baxeen, ayna muhiim tahay in la waafajiyo habka iskaashiga beesha caalamka ee Soomaaliya duruufaha cusub ee dalku ku sugan yahay.
Wasaaradda ayaa ku adkeysay in Soomaaliya maanta tahay dal madax-bannaan, leh hay’ado dastuuri ah oo shaqeynaya, nidaam dimuqraadi ah oo kobcaya, iyo yool cad oo qaran oo ku wajahan horumar, xasillooni iyo isku-filnaansho.
“Qaab-dhismeedka C6+ waa hannaan duugoobay, kana hor imaanaya mabda’a is-xilqaan iyo lahaanshaha siyaasadeed ee dowladda Soomaaliyeed. Waa waqti la joojiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ugu baaqday saaxiibbada caalamka in ay xiriirkooda iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya ay maraan waddooyin rasmi ah, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Federaalka.
Kooxda C6+ ayaa markii hore la dhisay si loo fududeeyo isku-duwidda taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya. Waxay ka koobnayd:
-
Dowladda Mareykanka
-
Boqortooyada Ingiriiska
-
Qaramada Midoobay
-
Midowga Yurub
-
Midowga Afrika
-
IGAD
-
Iyo qaar ka mid ah dalalka saaxiibka ah sida Sweden, Itoobiya, iyo Kenya.
Go’aankan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo isfaham la’aanta u dhaxeysa Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah saaxiibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo UK, iyadoo sidoo kale lasoo sheegayay in Dowladda Federaalka horey u codsatay in meesha laga saaro xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa xilli ay socoto qabanqaabada Shirka Qaran ee Wadatashiga uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, shirkaas oo la filayo in uu ka furmo Muqdisho 15-ka Juun 2025. Si kastaba, madasha mucaaradka ayaa hore u qaadacday shirkaas, halka Beesha Caalamka ay cadaadis saareyso dhinacyada siyaasadda si loo helo xal midnimo qaran ah.














