Dowlada Soomaaliya oo shaacisey waqtiga shidaalka la soo saaraayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay sanadkan gudaheeda ku bilowdo qodista khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira badda iyo berriga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ka go’an tahay in ay ka faa’iidaysato hodantinimada dabiiciga ah ee dalka, taas oo uu sheegay inay tahay mid muhiim ah si Soomaaliya uga baxdo saboolnimada, loona gaaro heer dhaqaale oo kor u qaada nolosha shacabka.

“Sanadkan inta uusan dhammaan, waxaa la bilaabi doonaa qodista ceelasha shidaalka, taas oo keeni doonta in Soomaaliya ay noqoto dal loo soo shaqo tago,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre, isaga oo muujiyay rajo weyn oo ku saabsan saameynta ay tani ku yeelan doonto horumarka dhaqaalaha dalka.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto dadaallo ay ku dhiseyso kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah, iyadoo dhowaan dowladda ay dhammaystirtay sharciyo iyo heshiisyo lagu xoojinayo maalgashiga iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah, isla markaana la socda qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha ee uu waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.