Dowlada Soomaaliya oo sheegtey in askarta qaar liiska laga saaraayo, Maxay tahay sababta?

Muqdisho – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in liiska ciidamada laga saari doono dhammaan ciidamada ilaalada u ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee lagu arkay magaalada Muqdisho, kuwaas oo shalay si weyn u galbinayay mas’uuliyiin mucaarad ah.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo la hadlay warbaahinta, ayaa caddeeyay in go’aankan uu yahay mid lagu adkeynayo kala dambeynta ciidamada qalabka sida iyo ilaalinta xeerarka u degsan adeegsiga ciidanka qaranka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida aysan qeyb ka noqon karin arrimo siyaasadeed, isla markaana loo adeegsanayo oo keliya si waafaqsan dastuurka iyo sharciga ciidanka. Wuxuu xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo anshaxa iyo kala dambeynta gudaha ciidanka si looga hortago khataraha amni iyo sharciyeed ee ka imaan kara adeegsiga ciidanka meel ka baxsan nidaamka.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabul mucaarad oo sare u qaaday xiisadda u dhexeysa dowladda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale uga digtay ciidamada inay si gaar ah uga amar qaataan siyaasiyiin aan dowladda qeyb ka ahayn, arrintaas oo ay ku tilmaantay khatar horseedi karta xasillooni-darro amni iyo jebinta sharciga dalka.