Dowlada Uganda Oo Ciidamo Cusub U Soo Dirtay Dalka Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in dalka Soomaaliya ay Ciidamo hor leh u soo dirtay, kadib markii bilooyin kahor ay joojisay Ciidankii ay u soo diri jirtay Somalia, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

Taliyaha Ciidanka Milateriga Uganda Generaal David Rubakuba Muhoozi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay dib u bilaabeenn tallaabooyinkii ay Ciidamada ugu diri jireen Soomaaliya.

Taliye David Muhoozi ayaa khamiistii lasoo dhaafay Uganda kasoo sagootiyay 1,800 oo Askari oo ka tirsan guutada 30-aad ee Ciidanka difaaca Uganda, kuwaasi oo ku wajahan dalka Soomaaliya