Dowladda Fedaraalka Somalia oo beenisay Warar laga faafiyey Kiiska Baddeena

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qabsaday baraha bulshada iyo Warbaahinta qaarkood in dhamaan qareenadii difaacayay Soomaaliya ee dhinaca dacwadda Badda gaar ahaan Muna Sharmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo baratay sharciga la bedelay,hayeeshee waxaa warkaasi beenisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Ali Faqi ayaa sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin,isla markaana Muna Sharmaan ay iyada la soo xiriirtay madaxweyne farmaajo una sheegtay inay Shaqo ka heshay Bankiga adduunka.

Waxaa uu sheegay in dhamaan qareenadii difaacayay Soomaaliya ee dhinaca dacwadda Badda ay Shaqeynayaan marka laga reebo Muna Sharmaan oo iyada iskeed u tagtay