Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa si rasmi ah u daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga boostada dalka, munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday magaalada Muqdisho maanta.
Munaasabaddan muhiimka ah waxaa ka qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamuud Cabdulqaadir (Jeego), Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, Agaasimaha Kastamka Garoonka, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, hoggaanka amniga garoonka, Agaasimaha Waaxda Boostada ee Wasaaradda Isgaarsiinta, iyo shaqaale sare oo ka tirsan wasaaradda.
Agaasimaha Waaxda Boostada ayaa munaasabadda ka sheegay in howshan ay ku timid dadaal badan, islamarkaana laga soo shaqeeyay muddo dheer, iyadoo si rasmi ah adeegga boostada loo hawlgeliyay tan iyo bishii May 2025. Adeegyada la bilaabay waxaa kamid ah dirista iyo helidda boostada gudaha iyo dibadda (sending and receiving).
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyayaasha Garoonka iyo Duulista Rayidka ayaa dhankooda bogaadiyay dib-u-soo-nooleynta adeeggan muhiimka ah, iyagoo tilmaamay in horumarka boostada uu sare u qaadayo isku xirka bulshada, dowladnimada, iyo kobaca adeegyada shacabka.
Wasiir Maxamed Aadan Macalin ayaa si qiiro leh u sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyay adeeg boosto oo muddo 36 sano ah hakad ku jiray. Wuxuu sheegay in adeeggan uu muujinayo dadaalka Xukuumadda Federaalka ay ku bixinayso soo nooleynta adeegyada dowladeed ee aasaasiga u ah horumarka dalka.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in hawlwadeennada boostada ay heleen tababaro casri ah oo ay bixiyeen khubaro caalami ah, halka qaar kalena dibadda loo diray si ay u kordhiyaan aqoontooda xirfadeed ee dhinaca boostada iyo tiknoolajiyadda.
Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa ballan qaaday in adeegga boostada lagu horumarin doono tignoolajiyad casri ah, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan, xawaare leh, islamarkaana ku saleysan nidaam ammaan ah oo la jaanqaadaya caalamka. Sidoo kale, waxaa la rajeynayaa in adeeggan uu kobciyo isku xirka ganacsiga, isgaarsiinta bulshada, iyo kor u qaadidda shaqo-abuurka.
Dib-u-howlgelinta adeegga boostada Soomaaliya ayaa ah talaabo horumarineed oo muhim ah, taas oo muujineysa in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in dib loo dhiso hay’adaha dowladeed ee burburay, loona helo adeegyo ay dadku ku kalsoonaan karaan.
Waxaa la filayaa in adeegga boostada uu noqdo mid isballaara, kaalinna mug leh ka qaato isdhexgalka bulshada, kobaca dhaqaalaha, iyo isku xirka dunida inteeda kale.














