Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Midowga Yurub kala hadashay Horumarinta Maaliyadda iyo Kabka Miisaaniyadda

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo uu hoggaaminayay Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, iyadoo ay weheliyaan Wakiilka EU-da ee Soomaaliya iyo Madaxa Qorshaynta Istaraatiijiyadeed ee Maaraynta Qataraha.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa diiradda lagu saaray guulaha laga gaaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, casriyeynta ilaha dakhliga gudaha, iyo xoojinta iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa wafdiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan kabka miisaaniyadda dowladda, taas oo lagu horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhanka kale, Xafiiska EU-da ee Soomaaliya ayaa kulanka kadib ku dhawaaqay in Midowga Yurub uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqay €10.5 milyan oo Yuuro, taasoo ah kab miisaaniyadeed si toos ah loogu taageerayo qorshayaasha dowladda ee la xiriira kor u qaadista adeegga dadweynaha iyo waxbarashada – laba arrimood oo ay Dowladda Federaalka mudnaan gaar ah siisay sannadihii u dambeeyay.

Iskaashigan dhaqaale ee joogtada ah ayaa muujinaya kalsoonida beesha caalamka ay ku qabto dib-u-habeynta iyo daahfurnaanta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay adkeyneyso muhiimadda uu leeyahay xiriirka dhow ee Dowladda Federaalka iyo Midowga Yurub.