Dowladda Mozambique War kasoo saartay Koox la magacbaxday Al-Shabaab

Booliska Mozambique ayaa soo saaray magacyada dad la sheegay inay hoggaaminayeen maleeshiyaad weeraro argagixiso ka gaystay gobolka xeebta ku yaalla ee Cabo Delgado ee dalkaasi tan iyo bishii Oktoobar sannadkii 2017-kii.

Magacyada ayay ku kala sheegeen Cabdul Faysal, Cabdul Rexmaan, Cabdul Raym, Nuno Rexmaane, Ibnu Cumar iyo Salimo, waxaana shaaca ka qaaday taliyaha booliska Mozambique Bernardino Rafael.

Saraakiisha Mozambique waxay sheegeen in raggan ay isugu jiraan muwaadiniin dalkaasi u dhashay iyo ajaanib.

Baarayasha waxay horraan sheegeen in maleeshiyaadkan ay isugu jiraan dhalinyaro tabbabar kusoo qaadatay dalalka Tanzania iyo Kenya.

Ilaa 200 qof ayay kooxdani ku dileen dalkaasi halka in ka badan 400 oo qof ay guryahooda ka barakaceen.