Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay falkii isugu jiray kufsiga iyo dilka ee gelinkii dambe ee shalay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir loo geystay Gabar dhalinyaro aheyd.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska G/le Sadiiq Aadan Duudishe ayaa waxaa uu ku sheegay inay socdaan baaritaano qoto-dheer oo ku aadan sidii uu u ka dhacay falkii loo geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana gacanta ay ku dhigeen 4 ruux oo looga shakisan yahay falkaas.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu Afhayeenka sheegay inay si dhow ula wadaagi doonaan natiijada Baarista oo dhameystiran, isla markaana qof kasta oo ay ku cadaato falkaas cadaalada la horgeyn doono.
Rag dhalinyaro ah ayaa hotel ku yaalla xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir fal kufsi ah ugu geystay Marxuumad Xamdi, iyagoon markii dambe kasoo tuuray dabaq lix biyaano ah oo halkaas ku yaalla.














