Wasiiru dowlaha Wasaarada waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee xukuummadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabduulle Jaabir ayaa Maanta Kulan la qadatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa intii uu sacday waxa ay labada masuul kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista taageerada waxbarasho ay dalkeena ay siiyaan dowladda Shiinaha.
Waxaan maanta kulan la qaatay Safiirka dalka shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxaana kawada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista taageerada waxbarasho ay dalkeena ay siiyaan.
Waxaan ugu mahad celiyay safiirka shiinaha iyo dowladda shiina deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan dalkeena Soomaaliya.














