Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jama Aidid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi.
Wasiirka Arimaha dibadda ayaa Safiirka dowladda uga warbixiyay xaaladda dalkiisa gaar ahaan deegaannadii dhowaan dagaaladu ku dhexmareen Azerbaijan iyo Armenia, wuxuuna Wasiirka ka mahadceliyay taageerada dowladda Somalia.