Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulanka sanadlaha ah ee Guddiga Sare ee Hogaaminta Wadajirka ah (JSC), kaas oo lagu qiimeeyay hirgelinta Qorshaha Iskaashiga Qaramada Midoobay (2021–2025), loona gogol xaaray iskaashiga sanadaha soo socda.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyadoo si wadajir ah ay u shir-guddoomiyeen Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway.
Intii kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday:
-
Natiijooyinka la gaaray ee barnaamijyada Qaramada Midoobay sannadkii 2024
-
Qorshaha mudnaanta leh ee 2025
-
Jihada Qorshaha cusub ee 2026–2030, oo xoogga lagu saari doono:
-
Maamul wanaag iyo dowlad-dhis
-
Horumar dhaqaale
-
Adeegyada bulshada (waxbarasho, caafimaad iwm)
-
La qabsiga isbeddelka cimilada iyo u-adkeysiga musiibooyinka
-
Kulanka ayaa kusoo gabagaboobay is-afgarad lagu dardargelinayo tallaabooyinka horumarinta ee sanadka 2025, iyadoo la isku raacay in dhammaadka sanadka dib loo isugu yimaado si loo qiimeeyo horumarka iyo qorsheynta istiraatiijiga ah ee mustaqbalka.














