Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada doadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marka hore Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay munaasabadda Ciidul Adhxaa oo ku beegan Maalinta Berito oo talaado ah.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan Shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah Saddex maalmood oo fasax ah la la siiyay, kaas oooo billaabanaya Talaadada berri oo ah Maalinta Koowaad ee Ciidul Adhxa.
“Shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed waxaan u rajeynaynaa inay farxad kula ciidaan qoysaskooda ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka Wasaaradda.
Maalinta Berito ah ayaa dadyowga Muslimiinta ah ee ku nool Dunida waxaa ay u dabaal degi doonaan Maalinta Koowaad ee Ciidul Adhxaa, iyada oo Boqolaal Muslimiin ah ay Salaada Ciida ku dukan doonaan Masaajida iyo Goobo Fagaarayaal ah.















