Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Halka Lagu Aasayo Marxuum Cali Khaliif

Waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayan halka lagu aasi doono Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Madaxweynaah Maamulka Soomaali Galbeed Mustafa Cagjar ayaa sheegay in uu guddi u saari doono aaska Marxuumka, kuwaas oo ka shaqayn doona halka lagu aasayo, waxaana la sheegayaa in ay u badan tahay in Magaalaad Muqdisho lagu aasi doono.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in marxuumka loo sameynayo aas qaran, muqdishana loo soo qaadi doono maydkiisa.